(154) Markaas uu ku soo Dejiyey Korkiinna Murug ka dib Aaminnimo Darteed Lulmo daboolaysa Koox idinka mid ah, Kooxna waxaa Walaacisay Naftooda waxayna u Malayn Eebe Male Jaahiliyeed waxayna Dhihi ma waxbaan ku leenahay Amarka, waxaad dhahdaa Amarka Dhamaantiis Eebaa iska lch, waxayna ku Qarin Naftooda waxayna kuu muujinayn iyagoo dhihi haddaan Amarka wax ku leenahay Nalaguma Dileen Halkan, waxaad Dhahdaa haddaad tihiin Guryihiinna way u soo bixilahaayeen kuwa loo Qoray Geerida halkay Seexan (Lagu Dili), (saasna wuxuu u Falay Eebe) inuu Imtixaano Eebe waxa Laabtiinna ku Sugan iyo inuu kala Shaandheeyo waxa Quluubtiinna ku Sugan, Eebana waa Ogyahay waxa Laabta Ku Sugan.
(155) Kuwii Jeedsaday oo idinka mid ah Maalintay Kulmeen Labadii Col waxaa uun Simbiriirixiyey Shaydaan waxay kasbadeen Sababtiisa Qaarkood wuuna iska Cafiyey Eebe Xagooda Eebena waa Dambi Dhaafe dulbadan.
(156) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Noqonina sida kuwa Gaaloobay oo ku yidhi Walaalahood markay ku Safraan Dhulka ama Duulaan hadday Agtanda Joogaan ma dhinteen Lamana Dileen si uu uga yeelo Arrintaas Qoomamo Quluubtooda, Eebana waa Nooleeye iyo Dile, Eebana waxaad Camal Falaysaan wuu arkaa.
(157) Haddii laydinku Dilo Jidka Eebe amaad Dhimataan Dambi Dhaaf Eebe iyo Naxariistiisa yaa idiinka Khayrbadan waxay Kulmin.