(166) Waxa idinku dhacay Maalintay kulmeen Labadii Kooxood waa idamka Eebe iyo inuu Muujiyo Mu'miniinta.
(167) Iyo inuu Muujiyo kuwa Munaafaqoobay, oo loo yidhi Kaalaya ku Dirira Jidka Eebe ama Difaaca, waxayna dheheen Haddaan ognahay Dagaal waan idin raaci lahayn, iyagu Gaalnimaday Maalintaas uga Dhawyihiin Rumeyn, waxay ka odhan Afkooda waxaan ahayn Quluubtooda, Eebana waa ogyahay waxay Qarin.
(168) waa kuwa ku yidhi Walaalahood (Munaafiqiintu) iyagoo iska fadhiistay Hadday na Adeecaan lama Dilcen, waxaad dhahdaa ka Dhawra Naftiinna Geeri Haddaad Run sheegaysaan.
(169) Hana u Malaynina kuwa Lagu Dilay Jidka Eebe kuwa dhintay, Saas ma aha waxay ku Noolyihiin Eebahood Agtiisa Laguna Arzaaqi.
(170) Iyagoo ku Faraxsan wuxuu siiyey Eebe oo Fadligiisa ah, kuna Bishaaraysan kuwaan wali Haleelin ee Gadaashooda ah inuusan Korkoda Cabsi iyo Murugo midna «ahyn».
(171) Waxayna ku Bishaaraystaan Nicmo Eebe iyo Fadli iyo inaan Eebe Dayacayn ajriga Mu'miniinta.
(172) Ee ah kuwa Ajiibay (Maqlay) Eebe iyo Rasuulka ka Dib intuu Asiibay Dhaawac kuwa Wanaag Falay oo ka mid ah oo dhawrsaday waxaa u sugnaaday Ajir wayn.
(173) Ee ah kuwuu Dadku (Gaaladu) Dadkii baa idiin kulmay ee ka Cabsada oo u Siyaadiyey Rumeyn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil.