آل عمران   سورة  : Aal-Imran


سورة Sura   آل عمران   Aal-Imran
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْقَصَصُ الْحَقُّ ۚ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا اللَّهُ ۚ وَإِنَّ اللَّهَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (62) فَإِن تَوَلَّوْا فَإِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِالْمُفْسِدِينَ (63) قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ وَلَا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلَا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّهِ ۚ فَإِن تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ (64) يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تُحَاجُّونَ فِي إِبْرَاهِيمَ وَمَا أُنزِلَتِ التَّوْرَاةُ وَالْإِنجِيلُ إِلَّا مِن بَعْدِهِ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (65) هَا أَنتُمْ هَٰؤُلَاءِ حَاجَجْتُمْ فِيمَا لَكُم بِهِ عِلْمٌ فَلِمَ تُحَاجُّونَ فِيمَا لَيْسَ لَكُم بِهِ عِلْمٌ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ (66) مَا كَانَ إِبْرَاهِيمُ يَهُودِيًّا وَلَا نَصْرَانِيًّا وَلَٰكِن كَانَ حَنِيفًا مُّسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ (67) إِنَّ أَوْلَى النَّاسِ بِإِبْرَاهِيمَ لَلَّذِينَ اتَّبَعُوهُ وَهَٰذَا النَّبِيُّ وَالَّذِينَ آمَنُوا ۗ وَاللَّهُ وَلِيُّ الْمُؤْمِنِينَ (68) وَدَّت طَّائِفَةٌ مِّنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَوْ يُضِلُّونَكُمْ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّا أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ (69) يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَأَنتُمْ تَشْهَدُونَ (70)
الصفحة Page 58
(62) Kaas (Quraanka) unbaa Qisooyin Xaq ah, Eebe mooyee Ilaah (kalana) ma jiro, Eebana waa adkaade falsan.
(63) Hadday jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya.
(64) Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay.
(65) Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn.
(66) Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma ogidiin.
(67) Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid aha Mushrikiinta (Gaalada).
(68) Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad ah) iyo kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta.
(69) Waxay jeelaatay koox ka mid ah Ehelu Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan Naftooda ahayn, mana kasayaan.
(70) Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayadka Eebe idinkoo marag ah (og xaqnimadeeda).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022