النازعات   سورة  : An-Naazi'aat


سورة Sura   النازعات   An-Naazi'aat
إِذْ نَادَاهُ رَبُّهُ بِالْوَادِ الْمُقَدَّسِ طُوًى (16) اذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَىٰ (17) فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰ أَن تَزَكَّىٰ (18) وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ (19) فَأَرَاهُ الْآيَةَ الْكُبْرَىٰ (20) فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ (21) ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ (22) فَحَشَرَ فَنَادَىٰ (23) فَقَالَ أَنَا رَبُّكُمُ الْأَعْلَىٰ (24) فَأَخَذَهُ اللَّهُ نَكَالَ الْآخِرَةِ وَالْأُولَىٰ (25) إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ (26) أَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ السَّمَاءُ ۚ بَنَاهَا (27) رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّاهَا (28) وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَاهَا (29) وَالْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَاهَا (30) أَخْرَجَ مِنْهَا مَاءَهَا وَمَرْعَاهَا (31) وَالْجِبَالَ أَرْسَاهَا (32) مَتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ (33) فَإِذَا جَاءَتِ الطَّامَّةُ الْكُبْرَىٰ (34) يَوْمَ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ مَا سَعَىٰ (35) وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ (36) فَأَمَّا مَن طَغَىٰ (37) وَآثَرَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا (38) فَإِنَّ الْجَحِيمَ هِيَ الْمَأْوَىٰ (39) وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ (40) فَإِنَّ الْجَنَّةَ هِيَ الْمَأْوَىٰ (41) يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا (42) فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَاهَا (43) إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَاهَا (44) إِنَّمَا أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَاهَا (45) كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَاهَا (46)
الصفحة Page 584
(16) Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
(17) Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
(18) Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
(19) Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
(20) Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
(21) Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
(22) Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
(23) Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
(24) Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
(25) Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
(26) Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
(27) Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
(28) Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
(29) Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
(30) Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
(31) Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
(32) Buurahana sugay.
(33) Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
(34) Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
(35) Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
(36) Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
(37) Ruuxiise xadgudba.
(38) Nolosha Adduunyana doorta.
(39) Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
(40) Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
(41) Wuxuu u dheelman Janno.
(42) Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
(43) Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
(44) Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
(45) Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
(46) Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022