(96) Hadday Dadka Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii) Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis.
(97) Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanaga Habeenkii iyagoo Hurda.
(98) Miyeyse ka aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii iyagoo Ciyaari.
(99) Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota Ciqaabta iyo Dhibka Eebe.
(100) Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna wax Maqlin.
(101) Taasi waa Magaalooyinkii waxaana kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuuladii Xujooyin mana ayan Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u Daabacaa Eebe quluubta Gaalada.
(102) Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay badankood iyagoo Faasiqiina.
(103) Markaasaan la Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta.
(104) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay.