الأعراف Al-A'raaf
(1) (Waxay ku Tusin Muejisada Quraanka).
(2) Kani waa Kitaab aannu kuu soo Dejinnay ee yeyna Laabtaada Dhibi (Cidhiidh) ahaan inaad ugu Digto, waana Waanada Mu'miniinta.
(3) Raaca waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebe, hana Raacina wax ka soo hadhay oo Awliyo ah (Gargaara ah) yaraana intaad Waantoobaysaan.
(4) Badanaa Intaan Magaalo Halaagnay oo u Timid Ciqaabtanadii iyadoo Jiifta (Habeen) ama Qayluushan (Maalin).
(5) Baryadoodu (Qayladooduna) markuu u Yimid halaagganagu ma ahayn waxaan ahayn inay Dhahaan annagaa daalimiin ahayn.
(6) Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii waxay ku Jawaabeen) waana warsanaynaa kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen).
(7) Waana uga Warramaynaa Ogaansho mana aanaan ka Maqnayn.
(8) Miisaanku waa Xaq Maalintaas (Qiyaamada) Cidday Cuslaato Miisaankiisa (Fiican) Kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.
(9) Cidduu Fududaado Miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa Khasaariyey Naftooda Dulmigay ku Falayeen Aayaadkanaga Dartiis.
(10) Waxaan idin Makaninay Dhulka waxaan idiinka Yeellay Meel lagu Noolaado, waxaase yar Intaad Shukriyeysaan.
(11) Waan idin Abuurray (Nabi Aadan) waana idin Suuraynay, markaasaan ku midhi Malaa'igta u Sujuuda (Nabi) Aadam (Salaan) wayna Sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa Sujuuda.