(38) Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh, markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin.
(39) Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed.
(40) Kuwa Beeniyey Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan Janada intuu ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa Dambiilayaasha,
(41) Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan Dabool, Saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.
(42) Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin, Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari.
(43) Waxaana ka Siibnaa waxa ku Jira Laabtooda oo Xasada, waxaana Dareeri Hoostooda Wabiyadii, waxayna Dhahaan Mahad waxaa Mudan Eebaha Nagu Hanuuniyey kan (Wanaagga) Maanaan hanuuneen haddaan Eebe na hanuunin, waxay la Timid Rassuladii Eebaheen Xaq, waxaana loogu Dhawaaqay Tiinani waa Jannadii Laydin Dhaxalsiiyey Camalkiinna Dartiis.