(88) Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku Rumeeyey Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo haddaan Necebnahayna.
(89) Waxaan ku Been abuuranay Eebe hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib, Nagumana habboona inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim Khayr Roon ahe.
(90) Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad Khasaarteen.
(91) Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo lagdan).
(92) Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray.
(93) Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari Qoom Gaala ah.
(94) Magaalo Kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo Dhibaato inay Khushuueaan (oo Baryaan Eebe).
(95) Markaasaan u Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa kado Iyagoon Ogayn.