(12) Wuxuu Yidhi (Eebe) maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu Yidhi anaa ka Khayr roon, waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay Dhoobo.
(13) Wuxuu Yidhi (Eebe) ka Daga Xaggeeda (Jannada) Xaq uma lehid inaad isku Dhex Kibriside, Bax waxaad ka mid tahay kuwa Dullaysane.
(14) Wuxuu Yidhi ii sug tan iyo Maalinta la soo Bixin.
(15) Wuxuu Yidhi (Eebe) waxaad ka mid tahay kuwa la sugi.
(16) Wuxuu Yidhi Ibaadiyeyntaada Darteed waxaan u Fadhiisan Jidkaaga Toosan (waan Dhumin).
(17) Waxaana kaga iman hortooda, Gadaashooda, Midigta iyo Bidixda mana hekaysid badankooda oo Shugriyi.
(18) Wuxuu Yidhi Eebe ka bax Xaggeeda adoo Caayan oo la Dheereeyey, Ciddii ku raacdana waxaa laga Buuxin Jahannamo Dhammaantiin.
(19) Nabi Aadamow Dega Adiga iyo Haweenaydaadu Jannada, kana Cuna Meejaad Doontaan, hana u Dhawaanina Geedkan, ood Noqotaan Daalimiin.
(20) Waxaana Waswaasiyey Shaydaan, inuu ka Muujiyo Xagooda wixii laga Asturay oo Cawradooda ah, wuxuuna Yidhi wuxuu idinka Reebay Eebe Geedkan inaydaan Noqonin Malaa'ig, ama aydaan waarin.
(21) Wuxuuna ugu Dhaartay inaan idiin ahay Naseex.
(22) Wuuna soo Dejiyey Dhagar Darteed, markay Dhadhaniyeen Geedka waxaa u muuqday Xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku Dhadhajiya Caleenta Jannada waxaana u Yeedhay Eebahood Miyaanan idinka reebin Geedan, oonan Idinku odhan Shaydaanku wuxuu idiin yahay Col Cad.