(179) Waxaan u Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa Halmaansan.
(180) Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen.
(181) Waxaa ka mida waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa, Kuna socon.
(182) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn.
(183) Waana Sugi Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay.
(184) Miyeyna Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn, waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn.
(185) Miyeyna Dayin Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu, Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn.
(186) Cidduu Dhumiyo Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan.
(187) Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka Badankiisase ma oga (Xaalkaas).