التوبة   سورة  : At-Tawba


سورة Sura   التوبة   At-Tawba
يُرِيدُونَ أَن يُطْفِئُوا نُورَ اللَّهِ بِأَفْوَاهِهِمْ وَيَأْبَى اللَّهُ إِلَّا أَن يُتِمَّ نُورَهُ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ (32) هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ (33) ۞ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ كَثِيرًا مِّنَ الْأَحْبَارِ وَالرُّهْبَانِ لَيَأْكُلُونَ أَمْوَالَ النَّاسِ بِالْبَاطِلِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۗ وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلَا يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ (34) يَوْمَ يُحْمَىٰ عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكْوَىٰ بِهَا جِبَاهُهُمْ وَجُنُوبُهُمْ وَظُهُورُهُمْ ۖ هَٰذَا مَا كَنَزْتُمْ لِأَنفُسِكُمْ فَذُوقُوا مَا كُنتُمْ تَكْنِزُونَ (35) إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِندَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ ۚ فَلَا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنفُسَكُمْ ۚ وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ (36)
الصفحة Page 192
(32) waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen gaaladuye.
(33) Eebe waa kan ku diray rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye.
(34) kuwa xaqa rumeeyow wax badan oo ka mida axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro waxayna ka celiyaan (dadka xaqa) kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran.
(35) maalinta lagu gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani waa waxaad u kaydsanayseen Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa.
(36) tirada bilaha Eebe agtiisa waa Labiyo toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaalamayaan dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022