(55) yeyna ku yaab galinin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo naftoodu iyagoo gaala ah.
(56) waxay ku dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan.
(57) hadday helayaan meel ay magan galaan ama godod (buuro) ama meel ay galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi.
(58) waxaa ka mid ah kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la siininna cadhoon.
(59) hadday ku raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u khayroon).
(60) sadaqada (Zakada) waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka, waana wax Eebe Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan.
(61) waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba nabiga oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna wuxuuna rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa rumeeyey oo idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran.