(118) saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay inay toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista.
(119) kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan.
(120) kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino iyo kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda inay ka gadaal maraan Rasuulka Eebe oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhiba ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama meejey ku joogsadaan oo Cadho galin Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi camal suuban, Eebana ma halleeyow Ajirka samo falayaasaha.
(121) waxay Bixiyaan oo yar ama wayn iyo Togay gooyaanna waa loo qori inuu ka Abaal mariyo Eebe wanaagga waxay falayeen.
(122) mana aha inay Mu'miniinta oo dhan Baxaan, ee may Koox kastaha qaar ka baxdo inay Diinta kasaan, una igaan dadkooda markay u soo noqdaan waxay u dhawdahay inay digtoonaadaane.