التوبة At-Tawba
(1) Tani waa ka bari ahaasho Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaad la Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah.
(2) ee socda Dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebe iyo in Eebe uu dulleyn gaalada.
(3) waana ogaysiin Eebe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo Dadka Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari yahay Gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii gaaloobay Cadaab daran.
(4) 4 Kuwaad ballanteen Mooyee oo Gaalada ah markaasna aan idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhameeya tan iyo ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu jecelyahay kuwa dhawrsada.
(5) markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee.
(6) mid ka mida gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne.