(73) Nabiyow la jahaad gaalda iyo Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan.
(74) waxay ku dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna.
(75) waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Eebe hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suuban.
(76) markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi.
(77) wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed.
(78) miyeyna ogayn in Eebe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan.
(79) waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu'miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jees jeesi Eebana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran.