التوبة   سورة  : At-Tawba


سورة Sura   التوبة   At-Tawba
إِنَّمَا النَّسِيءُ زِيَادَةٌ فِي الْكُفْرِ ۖ يُضَلُّ بِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُحِلُّونَهُ عَامًا وَيُحَرِّمُونَهُ عَامًا لِّيُوَاطِئُوا عِدَّةَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ فَيُحِلُّوا مَا حَرَّمَ اللَّهُ ۚ زُيِّنَ لَهُمْ سُوءُ أَعْمَالِهِمْ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ (37) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا مَا لَكُمْ إِذَا قِيلَ لَكُمُ انفِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ اثَّاقَلْتُمْ إِلَى الْأَرْضِ ۚ أَرَضِيتُم بِالْحَيَاةِ الدُّنْيَا مِنَ الْآخِرَةِ ۚ فَمَا مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا فِي الْآخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ (38) إِلَّا تَنفِرُوا يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا وَيَسْتَبْدِلْ قَوْمًا غَيْرَكُمْ وَلَا تَضُرُّوهُ شَيْئًا ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (39) إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ (40)
الصفحة Page 193
(37) dib u dhigidda (bilo) waa uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka gaalada ah.
(38) kuwa xaqa rumeeyow maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow, nolosha adduunyo marka aakharo loo dayo waa uun raaxo yar.
(39) haddaydaan bixin wuxuu Eebe idincadaabi cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna wax kasta oo uu doono waa karaa.
(40) haddaydaan u gargaarin Nabiga waxaa u gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkooda markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin Eebaa inala jirce, oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa, Eebana waa adkaade falsan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022