الصافات   سورة  : As-Saaffaat


سورة Sura   الصافات   As-Saaffaat
وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُ هُمُ الْبَاقِينَ (77) وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ (78) سَلَامٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِي الْعَالَمِينَ (79) إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (80) إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ (81) ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ (82) ۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِ لَإِبْرَاهِيمَ (83) إِذْ جَاءَ رَبَّهُ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ (84) إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَاذَا تَعْبُدُونَ (85) أَئِفْكًا آلِهَةً دُونَ اللَّهِ تُرِيدُونَ (86) فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ الْعَالَمِينَ (87) فَنَظَرَ نَظْرَةً فِي النُّجُومِ (88) فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٌ (89) فَتَوَلَّوْا عَنْهُ مُدْبِرِينَ (90) فَرَاغَ إِلَىٰ آلِهَتِهِمْ فَقَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ (91) مَا لَكُمْ لَا تَنطِقُونَ (92) فَرَاغَ عَلَيْهِمْ ضَرْبًا بِالْيَمِينِ (93) فَأَقْبَلُوا إِلَيْهِ يَزِفُّونَ (94) قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ (95) وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ (96) قَالُوا ابْنُوا لَهُ بُنْيَانًا فَأَلْقُوهُ فِي الْجَحِيمِ (97) فَأَرَادُوا بِهِ كَيْدًا فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَسْفَلِينَ (98) وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهْدِينِ (99) رَبِّ هَبْ لِي مِنَ الصَّالِحِينَ (100) فَبَشَّرْنَاهُ بِغُلَامٍ حَلِيمٍ (101) فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ السَّعْيَ قَالَ يَا بُنَيَّ إِنِّي أَرَىٰ فِي الْمَنَامِ أَنِّي أَذْبَحُكَ فَانظُرْ مَاذَا تَرَىٰ ۚ قَالَ يَا أَبَتِ افْعَلْ مَا تُؤْمَرُ ۖ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّابِرِينَ (102)
الصفحة Page 449
(77) Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun.
(78) Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah).
(79) NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato.
(80) Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka.
(81) Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa).
(82) Markaasaan maanshaynay kuwii kale,
(83) Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim.
(84) Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey).
(85) Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan.
(86) Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan.
(87) Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka.
(88) Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha.
(89) Wuxuuna yidhi waan bukaa.
(90) Markaasay katageen kana jeedsadeen.
(91) Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn.
(92) Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin.
(93) Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay
(94) Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay).
(95) Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen).
(96) Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan.
(97) Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka).
(98) Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday).
(99) Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin.
(100) Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo).
(101) Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco.
(102) Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022