(127) Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab).
(128) Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr).
(129) Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah).
(130) Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.
(131) Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala.
(132) Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah.
(133) Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray).
(134) Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan.
(135) marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga.
(136) Ka dibna waxaan halaagnay intii kale.
(137) Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga.
(138) Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin.
(139) Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray).
(140) Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday.
(141) Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray).
(142) Kalluunna liqay isagoo ladagaalay.
(143) Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa).
(144) Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.
(145) Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka.
(146) Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed).
(147) Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan.
(148) Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo.
(149) Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal.
(150) Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen.
(151) Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen.
(152) Eeba waa dhalay waana beenaalayaal.
(153) Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha.