(103) Markay hogaansameen oos u lagday wajiga.
(104) Yaan udhawaaqnay Ibraahimow.
(105) Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha.
(106) Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn).
(107) Waxaana ku furanay loog weyn (wan).
(108) Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame.
(109) Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato.
(110) Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha.
(111) Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah.
(112) Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah.
(113) Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya.
(114) Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo).
(115) Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd.
(116) Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey).
(117) waxaana siinay Kitaabkii caddaa.
(118) Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan.
(119) Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah).
(120) Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda.
(121) Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala,
(122) Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah.
(123) Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada.
(124) Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn).
(125) Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya.
(126) Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore.