(154) Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan.
(155) Miyeeydaan wax xusuusaneyn.
(156) Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad.
(157) Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin.
(158) Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada).
(159) Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan.
(160) Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan).
(161) Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy).
(162) Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe.
(163) Marka laga reebo kuwagali jaxiimo.
(164) Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan.
(165) Waana safannahay (cibaado darteed).
(166) Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe).
(167) Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha.
(168) Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab).
(169) Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban.
(170) Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca).
(171) Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii).
(172) In iyaga uun loo gargaari.
(173) Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan),
(174) Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.
(175) Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca).
(176) Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan.
(177) Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay.
(178) Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.
(179) Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca).
(180) Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun).
(181) Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda.
(182) Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.