الصافات   سورة  : As-Saaffaat


سورة Sura   الصافات   As-Saaffaat
مَا لَكُمْ لَا تَنَاصَرُونَ (25) بَلْ هُمُ الْيَوْمَ مُسْتَسْلِمُونَ (26) وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ (27) قَالُوا إِنَّكُمْ كُنتُمْ تَأْتُونَنَا عَنِ الْيَمِينِ (28) قَالُوا بَل لَّمْ تَكُونُوا مُؤْمِنِينَ (29) وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيْكُم مِّن سُلْطَانٍ ۖ بَلْ كُنتُمْ قَوْمًا طَاغِينَ (30) فَحَقَّ عَلَيْنَا قَوْلُ رَبِّنَا ۖ إِنَّا لَذَائِقُونَ (31) فَأَغْوَيْنَاكُمْ إِنَّا كُنَّا غَاوِينَ (32) فَإِنَّهُمْ يَوْمَئِذٍ فِي الْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ (33) إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِالْمُجْرِمِينَ (34) إِنَّهُمْ كَانُوا إِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ (35) وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُو آلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجْنُونٍ (36) بَلْ جَاءَ بِالْحَقِّ وَصَدَّقَ الْمُرْسَلِينَ (37) إِنَّكُمْ لَذَائِقُو الْعَذَابِ الْأَلِيمِ (38) وَمَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (39) إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ (40) أُولَٰئِكَ لَهُمْ رِزْقٌ مَّعْلُومٌ (41) فَوَاكِهُ ۖ وَهُم مُّكْرَمُونَ (42) فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ (43) عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَابِلِينَ (44) يُطَافُ عَلَيْهِم بِكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ (45) بَيْضَاءَ لَذَّةٍ لِّلشَّارِبِينَ (46) لَا فِيهَا غَوْلٌ وَلَا هُمْ عَنْهَا يُنزَفُونَ (47) وَعِندَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ عِينٌ (48) كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَّكْنُونٌ (49) فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ (50) قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ (51)
الصفحة Page 447
(25) (Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin.
(26) Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen.
(27) Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan.
(28) Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga).
(29) Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn.
(30) Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey.
(31) Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka).
(32) Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn.
(33) Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi.
(34) Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha.
(35) Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya.
(36) Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan.
(37) Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray).
(38) Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya).
(39) Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo.
(40) Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan).
(41) Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno).
(42) Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti.
(43) Jannooyinka Naciima.
(44) Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili.
(45) Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano).
(46) Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi.
(47) Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada).
(48) Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn.
(49) Ood moodo ukun la dhowray.
(50) Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin.
(51) Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022