النساء   سورة  : An-Nisaa


سورة Sura   النساء   An-Nisaa
۞ وَلَكُمْ نِصْفُ مَا تَرَكَ أَزْوَاجُكُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٌ ۚ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٌ فَلَكُمُ الرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْنَ ۚ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِينَ بِهَا أَوْ دَيْنٍ ۚ وَلَهُنَّ الرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْتُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّكُمْ وَلَدٌ ۚ فَإِن كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ فَلَهُنَّ الثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُم ۚ مِّن بَعْدِ وَصِيَّةٍ تُوصُونَ بِهَا أَوْ دَيْنٍ ۗ وَإِن كَانَ رَجُلٌ يُورَثُ كَلَالَةً أَوِ امْرَأَةٌ وَلَهُ أَخٌ أَوْ أُخْتٌ فَلِكُلِّ وَاحِدٍ مِّنْهُمَا السُّدُسُ ۚ فَإِن كَانُوا أَكْثَرَ مِن ذَٰلِكَ فَهُمْ شُرَكَاءُ فِي الثُّلُثِ ۚ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصَىٰ بِهَا أَوْ دَيْنٍ غَيْرَ مُضَارٍّ ۚ وَصِيَّةً مِّنَ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَلِيمٌ (12) تِلْكَ حُدُودُ اللَّهِ ۚ وَمَن يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ يُدْخِلْهُ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ (13) وَمَن يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُ يُدْخِلْهُ نَارًا خَالِدًا فِيهَا وَلَهُ عَذَابٌ مُّهِينٌ (14)
الصفحة Page 79
(12) Waxaa idiin Sugnaaday Nus waxay ka Tagaan Haweenkiinu hadayna Ilmo lahayn, haddayse lahaayeen Ilmo waxaad leedihiin Rubuc (Afar meelood meel) waxay ka tagaan Dardaaran ay dardaarmeen iyo Dayn ka Dib, Haweenkuna waxay Mudan Rubuc waxaad ka Tagteen Haddaydaan Ilmo lahayn, haddaad Ilmo leedihiin waxay mudan thumun (Sideed Meelood meel) waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo Dayn ka Dib, hadduu yahay Ninku mid la Dhaxli Waalid iyo Ilmo la'aan ama Haweenaydu isagoo leh Walaal ama Walaashiis mid kasta wuxuu Mudan Sudus (Hadday la hooya yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth (Saddexmeelood meel) Dardaaran la dardaarmo iyo Dayn ka Dib, isagoon Dardaaranka Cidna lagu Dhibayn, waana Dardaaran Eebe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.
(13) Taasi wa Xuduud Eebe, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu Galin Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Liibaan weyn.
(14) Ruuxiise Caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa oo Tallaaba Xuduudiisa wuxuu Galin Naar isagoo ku Waari Dhexdeeda, wuxuuna Mudan Cadaab wax Dulleeya.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022