(87) Eebe ILaah (kale) ma jiro isaga mooyee wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan Eebe Hadal (ma jiro).
(88) Maxaad leedihiin (Mu'miniinta) ood Munaafiqiinta laba Kooxood ugu Noqoteen (in la laayo iyo in kale) Eebe wuu Halaagay (oo celiyey) waxay kasbadeen dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad Hanuunisaan Cidduu dhumiyey Eebe, Ruuxuu dhumiyo Eebana uma heshid Waddo (Hanuun).
(89) Waxay jecelyihiin (Munaafiqiintu) inaad Gaaloowdaan siday u Gaaloobeen ood isku mid noqotaan, ha ka yeelanina Xaggooda Sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebe, haddayse Jeedsadaan qabta oo ku dila Meejaad ka heshaanba, hana ka yeelanina Xaggooda Sokeeye iyo Gargaare (Midna).
(90) Kuwa Gaadhi qoom dhexdiinna iyo dhexdooda ballan (heshiis) yahay mooyee, ama idiin yimid yadow Cidhiidhyantahay Laabtoodu inay idinla Dagaallamaan ama la dagaallamaan Qoomkooda, hadduu doono Eebe wuu idinku diri lahaa wayna idin la dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la Dagaallamin oy idiin soo hormariyaan Nabadgalyo idiin ma yeelin Eebe korkooda Jid (Xaq kuma lihidiin Dagaal).
(91) Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan Qoomkooda (daahirka) markastoo loo celiyo Gaalnimana waa lagu dedijiyaa dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin Nabadgalyo ooyan idinka reebin Gaemahooda qabta oo ku Dila meejaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan idiinka yeellay Xujo Cad.