(15) Kuwa la imaan Xumaan (Zino) oo Haweenkiina ka mid ah, Marag uga Dhiga Afar idinka mid ah, hadday ku marag Kacaan ku Haya Guryaha intay ka Disho Geeridu ama u yeelo Eebe Waddo.
(16) Labadii la Timaadda Xumaanta (Zinada) oo idinka mid ah Dhiba Hadayse Toobadkeenaan ooy Wanaagsanaadaan ka Jeedsada Xagooda, Eebana waa Toobad aqbale Naxariista.
(17) Toobadda (Aqbalkeeda) waxay Eebe uga ahaatay kuwa Fala Xumaha iyagoo Jaahil ah markaas Toobad keena Waqti dhaw Kuwaas wuu ka Toobad aqbala Eebe korkooda, Eebana waa Oge Falsan.
(18) Uma aha Toobaddu ku Fala Xumaha intuu uga Yimaaddo Midkood Geeridu markaas dhaha Anigu waxaan Toobad keeni hadda, iyo Kuwa Dhiman Iyagoo Gaala ah, Kuwaas waxaan u Darabnay Cadaab Daran.
(19) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow idiinma Banaana inaad u Dhaxashaan Haweenka Xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan (Qaadataan) Qaar waxaad Siiseen inay la Yimaadaan Xumaan Cad Mooyee, kulana Noolaada si Fiican, haddaad Kahataan waxaa Suurowda inaad Kahataan wax uu Yeelo Eebe dhexdiisa Khayr Badan.