(163) Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur.
(164) iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal.
(165) Waa Rasuullo Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan.
(166) Laakiin Eebaa Marag Furi wuxuu kugu Dejiyey wuxuuna ku Dejiyey Cilmigiisa, Malaa'igtuna way Marag furi, Eebana ku Filan Marag.
(167) Kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dhumid Fog.
(168) kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku Hanuuniya Jid.
(169) Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe.
(170) Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin khayr roon, haddaad Gaalowdaanna Eebe waxaa u Sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka Eebana waa oge falsan.