(128) hadday Haweeney ka cabsato Ninkeeda xaggiisa fogaansho ama jeedsasho dhib ma saara korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaad so Wanaag fashaan ood dhawrsataan Eebe waxaad Camal falaysaan waa ogyahay.
(129) ma kartaan inaad sintaan Haweejkiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee ha ka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan (dayacan). haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebe waa dambi dhaafe Naxariista.
(130) hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebe mid kasta waasacnimadiisa, Eebana waa waasac (Fadligiisu) waana falsame.
(131) Eebaa iska leh waxa Samaawaadka ku sugan iyo dhulka. waxaana u dardaarnay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebe, haddaadse gaaloowdaan Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo dhulka. Eebana waa hodan Amaanan.
(132) Eebaa iska leh waxa ku sugana Samaawaadka iyo Dhulka waana ku filanyahay Eebe Wakiil.
(133) hadduu doono wuu idin tagsiin (dhamayn) Dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebe Taas.
(134) Ruuxii dooni abaal Adduunyo Eebe agtiisa yuu jiraa Abaalka Adduunyo iyo Aakhiraba Eebana waa Maqle Arka.