(45) Eebaa Og Colkiinna, waxaana ku filan Eebe, wuxuuna ugu filanyahay Eebe Gargaare.
(46) Kuwii Yuhuudoobay waxay ka Leexin Kalimooyinka Meelahooda waxayna dhihi waan Maqalay oon Caasinay, Maqla ha maqlinee, waxayna (dhihi) na ilaali iilid Carrabkooda iyo Durid Diinta (Islaamka) darteed, hadday dhahaan waan maqalay waana Adeeenay ee maqal na dayna saasaa u khayroonaan lahayd una toosnaanlahayd, laakiin waxaa lacnaday Eebe Gaalnimadooda Darteed mana Rumeeyaan wax yar mooyee.
(47) Kuwa la siiyey Kitaabkow Rumeeya waxaan soo dajinay isagoo rumeyn waxaad haysataan ka hor tirid wajiyaal oon u Celino gadaasheeda ama Nacladno sidaan u Nacladnay Asaxaabtii (Kuwii) Sabtida (Yuhuudda) amarka Eebana waa kan lafalo.
(48) Eeba ma dhaafo in lala wadaajiyo wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo hadhay Cidduu doono, Ruuxii la wadaajiyo Eebe wuxuu beenabuurtay Dambi Weyn.
(49) Ka warrama kuwa daahirin (amaani) Naftooda, Eebaa Daahiriya Cidduu doono lagamana Dulmiyo waxa ku dhaggan Jeex Laf Timireed (Wax yar).
(50) Day siday ugu Been Abuuran Eebe isagaa ugu filan Dambi Cad.
(51) Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah oo rumeyn Sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa Gaaloobay kuwaasaa ka hanuunsan (Toosan) Kuwa Rumeeyey Jidkooda.