(135) kuwa (Xaqa) rumeeyow noqda kuwo u istaaaga Caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha ahaato ama Waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad Caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeedsataan Eebe waxaad camal falaysaan waa ogyahay.
(136) kuwa (Xaqa) rumeeyow rumeeya Eebe (si dhabah) iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebe, malaa'igtiisa, kutubtiisa, rasuuladiisa iyo maalinta dambe (Qiyaamada) wuu dhumay dhumid fog.
(137) kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee hadana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday Gaalnimo ma aha Eebe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka (Toosan).
(138) ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan Cadaab daran.
(139) waana kuwa ka yeesha Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, ma waxay ka dooni Agtooda sharaf, sharafna Eebaa iska leh dhammaanteed.
(140) wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan.