(164) Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib, kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi.
(165) Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay.
(166) markay iska bariyeelaan juwii la raacay kuwii raacay, oy arkeen Cadaabka kalana go day xidhiidhkoodii.
(167) waxayna dhaheen kuwii raacay haddii nala celiyo waan iska bariyeeli lahayn xaggooda say iska kaanna bariyeeleen, saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda
(168) Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican ah hana raacina Wadooyinka Sheydaanka illen Cadaw ead buu idiinyahaye,
(169) wuxuuna idin fari uun xumaan iyo Macsiyo iyo inaad ku sheegtaan Eebe waxaydaan ogayn.