(38) waxaan ku nidhi ka hoobta xaggeeda dhamaantiin, hadduu idiinka yi-maaddo xaggayga hanuun ruuxii raaca hanuunka cabsi korkiisa ma ahaato iyo murug midna.
(39) kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga, kuwaasu waa chclunaar dhexdeedana way ku waari.
(40) Bini Israa'iilow xusa nicmadayda aan idiinku nicmeeyey, oofiyana ballankaygii aan oofiyo ballankiina, aniga uun igacabsada.
(41) rumeeyana waxaan dejiyey isagoo rumayn waxaad haysataan, hana noqonina mid ka gaaloobay quraanka kii ugu horreeyay, hana ku gadanina aayaadkayga qiimo yar (aduunka) aniga uun iga dhawrsada.
(42) hana ku khaldina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og.
(43) ooga salaada, hixiyana sakada, lana rukuuca (lukada).
(44) ma waxaad faraysaan dadka wanaaga od halmaansantihin naftiina idinkoo akhrin Kitaabka miyeydaan wax ka sayn.
(45) kaalmaysta samirka iyo salaadda wayna ku wayn tahay salaaddu (ku culustahay) kuwa khushuuca mooyee.
(46) kuwa citiqaadsan inay la kulmi Echahood xagiisana loo celin.
(47) Bini'israa'iillow xusa nicmadeydii aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka fadilay caalamkii (markaas).
(48) 48 kana dhawrsada maalin aan naf abaalmarinayn naf (kale) qiyaamada aan lagana aqbalayn shafeeeo lagana qaadayn (ogalayn) furasho loona gargaarayn.