(231) haddaad furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees, xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah (Sunnada) wuu idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta ogyahay.
(232) haddaad furtaan Haweenka oo ay gaadhaan mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn Eebe iyo Maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebana waa ogyahay idinkuna ma ogidin.
(233) waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda, kan wax loo dhalayna waxaa saaran Cunadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo dhibo naf waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabo ilmihiisa dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka nuujin dalabtaan Caruurtiina (Haweenay Kale) dhib korkiinna ma saarra haddaad udhiibtaan waxaad bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in waxaad camalfalaysaan Eebe arko.