(58) Xusa markaan nidhi gala magaaladan oo kacuna xageeda Meejaad doontaan barwaaqa ah. kana gala irridda idinkoo sujuudsan dhahana (Eebow) hoobi (danbi) aan idiin dhaafno gafafkiinee. waxaan u siyaadinayna samafalayaasha (wanaag).
(59) markaasay ku badaleen kuwwi dulmi falay hadalkii loo yidhi mid aan ahayn, markaasaan kaga soodajinay kuwii dulmiga falay Cadaab samada faasiqnimadoodii ay falayeen darteed.
(60) Xusa markuu (Nabi) Muuse u roobdoonay qoonkiisa markaasaan ku nidhi ku garaac ushaada Dhagaxa, waxaana ka dilaacay xaggeeda Labo iyo toban ilood, wunna ogaaday ruuxkasto (Koox kasta) meeshay ka cabbilahayd, waxaan ku nidhi ka cuna oo ka cabba rizqiga Eebe Dhulkana fasaad ha ku xumeynina.
(61) Xusa markaad dhahdeen Muusow kuma samrayno cunno kaliya ee noobari Eebaha ha noo soo bixiyo waxa dhulku soo dhaliyo, oo ah Bagal, Xinidh, Toon, cadas iyo Basal, wuxuuna ku yidhi mawaxaad ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u (hoobta) daga masar waxaad helaysaan waxaad warsateen, waxaana laguqadaray dulli iyo miskiinimo, waxayna lanoqdeen cadho Eeve, arrintaasna waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka Gaalooba aayaadka Eebe, dilayeenna Nabiyada xaql…aan, taasina waa caasinimadooda darteed iyo xadgudubkoodii.