(154) hana ku dhihina kuwa lagu Dilo Jidka Eebe (Jahaadka) waa Dhinteen, saas ma aha ee waa noolyihin, mase kaseysaan.
(155) waxaan idin ku Imtixaannaynaa wax Cabsi ah iyo Gaajo, iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo midhaha, ee u Bishaaree kuwa Samra.
(156) kuwaas markuu dhib ku dhoeo yidhaahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa.
(157) kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Eebe iyo Naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan.
(158) Safo iyo Marwo waxay ka midyihiin Calaamooyinka (Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku mahdin wuuna ogyahay.
(159) Kuwa qariya waxaan soo dajinay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka kuwaas Waxaa naeladi Eebe iyo Kuwa wax Naealada (malaaigta iyo Mu'miniinta).
(160) Marka laga reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan.
(161) Kuwii Gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo Kuwaas waxaa korkooda ah nacaladda Eebe iyo Malaa'igta iyo Dadka dhammaan.
(162) Waxayna kuwaari dhexdeeda (naarta iyo nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka Loomana sugo.
(163) Eebihiin waa Eebe kaliya isaga mooyee Eebe kalana majiro, Waana naxariis guud iyo mid gaarba naxariiste.