(265) kuwa ku bixiya Xoolahooda doonidda raali ahaanshaha Eebe iyo yaqiinsi naftooda (Khayrka) waxay la midyihiin Beer ku taal meelsare oo heley Roob badan, oo markaas keentay Cunadeedii Labanlaab hadduusan Roob - badan helinna nu helo Roob yar (Shuux) Eebana waxaad Camalfalaysaan wuu arkaa,
(266) ma jecelyahay midkiin inay u ahaato Beer Timir iyo Canabyo ah oy dareeri dhexdeeda Wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo Midho ah ayna hayso Da'weyni uuna leeyahay Carrur tabaryar oo markaas beertii Assibto (ku dhaedo) Dabayl daran oo dab wadata oo Gubatay Beertii Saasu Eebenidiinku eadeeyaa aayaadkiisa si ad u fikirtaan.
(267) kuwa xaqa rumeeyow wax ka bixiya ka wanaagsan waxaad kasbateen, iyo waxaan idinka soo bixinay Dhulka, hana u qasdina kan xun inaad wax kabixisaan, oo idinkuba aydaan qaadateen, inaad indho laabtaan mooyee, ogaadana in Eebe yahay Hodan la mahdiyo,
(268) Shaydaanku wiixuu idiin yahoohi Faqri, wuxunna idin fari xumaan, Eebana wuxuu idiinyaboohi dambi dhaaf iyo Fadl, Eebana waa waasac (Deeqdiisu) waxna og.
(269) wiixuu siiyaa xigmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xigmona waxaa la siiyey khayr Badan, wax waantoobo oon kuwa Caqliga leh ahayna majiro.