البقرة   سورة  : Al-Baqara


سورة Sura   البقرة   Al-Baqara
وَلَمَّا جَاءَهُمْ كِتَابٌ مِّنْ عِندِ اللَّهِ مُصَدِّقٌ لِّمَا مَعَهُمْ وَكَانُوا مِن قَبْلُ يَسْتَفْتِحُونَ عَلَى الَّذِينَ كَفَرُوا فَلَمَّا جَاءَهُم مَّا عَرَفُوا كَفَرُوا بِهِ ۚ فَلَعْنَةُ اللَّهِ عَلَى الْكَافِرِينَ (89) بِئْسَمَا اشْتَرَوْا بِهِ أَنفُسَهُمْ أَن يَكْفُرُوا بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ بَغْيًا أَن يُنَزِّلَ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ ۖ فَبَاءُوا بِغَضَبٍ عَلَىٰ غَضَبٍ ۚ وَلِلْكَافِرِينَ عَذَابٌ مُّهِينٌ (90) وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ آمِنُوا بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ قَالُوا نُؤْمِنُ بِمَا أُنزِلَ عَلَيْنَا وَيَكْفُرُونَ بِمَا وَرَاءَهُ وَهُوَ الْحَقُّ مُصَدِّقًا لِّمَا مَعَهُمْ ۗ قُلْ فَلِمَ تَقْتُلُونَ أَنبِيَاءَ اللَّهِ مِن قَبْلُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (91) ۞ وَلَقَدْ جَاءَكُم مُّوسَىٰ بِالْبَيِّنَاتِ ثُمَّ اتَّخَذْتُمُ الْعِجْلَ مِن بَعْدِهِ وَأَنتُمْ ظَالِمُونَ (92) وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَكُمْ وَرَفَعْنَا فَوْقَكُمُ الطُّورَ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُم بِقُوَّةٍ وَاسْمَعُوا ۖ قَالُوا سَمِعْنَا وَعَصَيْنَا وَأُشْرِبُوا فِي قُلُوبِهِمُ الْعِجْلَ بِكُفْرِهِمْ ۚ قُلْ بِئْسَمَا يَأْمُرُكُم بِهِ إِيمَانُكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (93)
الصفحة Page 14
(89) markuu uga yimid Yuhuud Kitaab xagga Eebe isagoo rumeyn waxa agtooda ah (Tawreed) horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay, markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha ahaato, gaaladee.
(90) waxaa u xun waxay ku gataan Naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebe soo dajiyey xasad dartiis, ku soo dajinta Eebe fadligiisa ciduu doono, oo adoomadiisa ka mid ah, waxayna la noqdeen Cadho Cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
(91) marka lagu yidhaah Yuhuudda rumeeya waxa Eebe soo dajiyey waxay dhahaan waxaannu rumeeyn waxa nalagu soo dejiyey, wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa maxaad ugu disheen nabiyada Eebe horay haddaad Mu'miniin tihiin.
(92) dhab ahaan yuu idiin la yimid (Nabi) Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen Dibi (ilaah) isaga kadib idinkoo daalimiin ah.
(93) xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinana yeelay (Buurta Dhuur) oon idinku nidhi ku qaata waxaan idin siinay xoog (niyadadag) maqlana (xaqa) waxayna dheheen waan mawalay waana caasinay, waxaana laga waraabiyey quluubtooda (jacaylkii) Dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idinfarayo imaankiinu haddaad muuminiin tihiin.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022