(17) waxay la mid yihiin mid huriyey Dab, markuu iftiimiyay gaararkoodana yaa Eche la tagay Nuurkoodii ugagana tadax arkayn.
(18) waa Dhaga la'aan, Hadala'aan, aragla'aan, xaqana uma soo noqdaan.
(19) wuxuu la midyahay xaalkoodu sidii Roob Samada ka soo degay oo Mugdiyo onkod iyo Hillaac leh, oy yeelayaan Farahooda Dhagahooda hanqadhka (Danabka) xaggiisa geeri ka digtooni darteed, Eebana waa koobay Gaalo.
(20) wuxuu u dhawyahay hillaacu (xaqu) inuu dafo aragooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way istaagaan, hadduu Eebe doonana wuxuu la tagaa Maqalkooda iyo Aragooda Eebana wax walba waa karaa (oos doonoo).
(21) Dadow caabuda Echihiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horrecyey, waxaadna mudataan inaad dhowrsataan.
(22) Eebaha Dhulka idiin ka yeelay Gogol, Samadana dhismo, idiinkanasoo dajiyey Samada Biyo, kuna soo bixiyey Midho si laydiinku arzuqo ee hayeelina Eebe kuwa la mid ah idiinkoo og.
(23) haddaad shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga (Nabiga) keena Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Eebe ka soo hadhay haddaad runlowtihiin.
(24) haddaydaan falin mana falaysaane ka dhawrsada Naar lagu shido Dadka iyo Dhagaxa, loona darbay gaalada.