(49) xusa markaan idinka korinay fircoon iyo colkiisii ce idin dhadhansiin jiray cadaab daran, ayna gawrici jireen wiilashiina ayna dayn jireen gabdhihiina, taasina waxaa ku sugan irntixaam wayn oo Eebihiin.
(50) xusa markaan idiin dhanballay badda oon idin korinay oona maanshaynay fircoon iyo colkiisii idinkoo cegaya.
(51) xusa markaan u yaboohnay (Nabi) muuse afartan habeen, markaas aad yeelateen dibi (aad caabudeen) gadaashiis idinkoo daalimiin ah.
(52) markaas aan idin saamaxnay arrintaas ka dib si aad u mahdisaan.
(53) xusa markaan siinay (Nabi) muusc kitaab iyo kala bixiyc (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.
(54) xusa markuu (Nabi) muuse ku yidhi qoonkisa qoonkiisa qoonkayiw waxaad dulmideennaftiina yeelashadiini dibiga (caabudo) ee u toobadkeena Eebihiina dilana naftiina, saasaa idinku khayr badan Eebihiin agtiis, markaasu idinka toobad aqbalay maxaa yeelay Eche waa toobad aqbal badane naxariista.
(55) xusa markaad dhahdeen muusow kuma rumaynayno intaan ka aragno Eebe si cadaan ah, markaasay idin qabatay qaylo iyo naar idinkoo eegi.
(56) markaasaan idin soo bixinay geeridiinii ka dib si aad u mahadisaan.
(57) waxaan idinku haddaynay Daruur, waxaan idinku soo dajinay macaan iyo hilib (shimbireed) waxaana idinku nidhi wax ka cuna wanaaggan idiinku arzaaqnay, mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen naftooda uun kuwa dulmiya.